AKHRISO:- Ciiddanka Huwanta oo lagu weeraray Garoonka Kabul

0

Dabley hubeysan ayaa waxay saakayto weerareen ciiddan Afganistan oo ku sugnaa Albaabka Waqooyi ee Garoonka Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul.

Hal Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Afganistan ayaa ku geeriyooday weerarkaasi, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Jarmalka ayaa ka qeyb galay Dagaalka saakayto ka dhacay Garoonka Kabul.

Qoraal ay Milliteriga Jarmalka soo dhigeen Bartooda Twitter-ka waxay ku xaqiijiyeen inay Ciiddankooda ka qeyb galeen Dagaalka ka dhacay Garoonka Kabul, mana jirto Askar wax ku noqotay.

Weerarka saakayto ka dhacay Garoonkaasi, waxa uu ku soo beegmay, xilli uu Madaxweyne Joe Biden shalay ka digay weeraro ay Kooxda Daacish iyo Koox kale ku qaadaan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Garoonka Kabul.