Sirdoon ka socda dowladda Masar oo Muqdisho soo gaaray iyo Howlgal Qarsoon.

0

Maalin walba jawiga doorashada iyo siyaadda Soomaaliya ayaa lugaha la gala hubanti la’aan gudaha iyo dibadda ah, iyadoo uu sii kordhayo wal walka haya shacabka la jeclada ka heyso dalkooda.

Macluumaad si hoose usoo baxay ayaa tilmaamaya in magaalada Muqdisho ay maalmihii u danbeeyay ku suganyihiin oo ah soo gaareen xubno kamid ah sirdoonka dowladda Masar.

Sirdoonka Masar imaatinkooda waxaa ay salka ku heysaa safarkii Ra’iisal wasaare Rooble uu dalkaasi ku tagay iyo xiriir wada shaqeyn labada sirdoon ah oo uu si gaar ah uga danbeeyo Korneel Cabdullahi Dheere oo dabagalka u qaabilsan sirdoonka Soomaaliya.

Ilo wareedyo saraakiil ah ayaa warbaahinta u sheegay in jimcihii la soo dhaafay uu Korneel Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer uu maqribadii garoonka Aadan Cadde ka soo qaaday xubnaha sirdoonka Masar ka socda ee tiradooda aan sida rasmiga loo helin.

Saraakiisha xogta bixiyay waxay intaasi ku dareen in labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Masar ay bilaabeen qorshaha howlgal ku qotoma doorashada, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada musharaxiinta.

Safarkii uu Ra’iisal wasaare Rooble ku tagay ayaa warbaahinta caalamiga ah gaar ahaan tan carbeed waxay qaarkood ku tilmaameen mid heshiisyo hoose lagu gaaray uuna waxba kala socon madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale arinta sirdoonka Soomaaliya iyo kan Masar waxaa ku hoos duugan dagaalka dowladaha Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile, iyadoo la tuhunsan yahay in Farmaajo uu wato Itoobiya halka Rooble iyo Cabdullahi Dheerana ay Masar hoosta soo gishteen.

Kulamada saraakiil Soomaalida iyo Masar ee Muqdisho waxaa kale oo lala xiriirinayaa in ay si hoose ula socdaan mukhaabaraadka Imaaraatka iyo Sacuudiga, xilli la hadal hayo casuumaada boqortooyada Sacuudiga ay u fidisay Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Waxaa muuqata in todobaadyada soo aadan iyo kadib shirka Muqdisho uga socda golaha wadatashiga qaranka ay xiisadi cusub la soo bixi doonto siyaasadda Soomaaliya.

Dhinaca madaxtooyada ee madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ayaa ka wal walsan in kulamada socda iyo wafuuda is dhaafeysa ay toogasho ku noqoto ajendayaal uga yaalay doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, kuraasta gobolada Waqooyi iyo habraacyada doorashada.