Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Oo War-Murtiyeed Laga Soo Saaray

0

Waxaa War murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka socday muddo labo maalmood ah, waxaana shirku dhexeeyay RW Roble iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleeduyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir Cumar Filish.

Shirka oo laga soo saaray Qodobbo dhowr ah ayaa waxaa Madaxdu ay ku heshiiyeen Habraacyada doorashada, waxaana Habraacyada ay mas’uuliyiintu ku heshiiyeen ka mid ah:

Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
– Habraaca Amniga Doorashada
– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
– Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland ay si wadajir ah u soo xulayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.