Qabshada Taliban ee Afgaanistaan waxaa u dheer inay kayd hub ah ka heshay Mareyka, Sida laga soo xigtay wargayska ‘Hindustan Times’ ee ka soo baxa Ingiriiska, Aqalka Cad ayaa Talaadadii qirtay in Taalibaan ay la wareegeen hub badan oo uu Maraykanka lahaa ka dib qabsashadii Afghanistan.
Qaar ka mid ah sawirrada iyo muuqaalada soo ifbaxay, ayaa lagu arkay Taliban oo wadata hub iyo gaadiid dagaal oo askarta Mareykanka adeegsanayeen ama la siiyay ciidamada amniga ee Afghanistan.
Waxaana hubkaasi ka mid ah helicopter-ka casriga ah ee UH-60 Black Hawk iyo qalab kale oo yaalla garoonka diyaaradaha ee Kandahar.
La -taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa yiri, “Wali ma cadda halka ay ku baxeen dhammaan agabkii milateri laakiin waxaa hubaal ah in qeyb weyn oo ka mid ah hubkaasi ay gacanta u galeen Taalibaan.”