Wasaaradda Waxbarashada dalka Masar ayaa la ballan qaaday in kordhin doonto deeqaha waxbarsho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed kadib kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada DFS C/laahi Abiikar Xaaji (Carab) iyo Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Taarekh Shawky.
Dowladda Masar ayaa waxa ay Soomaaliya la laheyd xiriir waxbarsho oo Aad u qoto dheer ,waxana barismaadkii tan iyo lixdanaadkii Soomaaliya sanad walba imaan jiray macallimiin Masaari ah oo wax ka dhigi jiray dugsyada dalka .
Dugsiga Allahi ayaa ka mid ah dugsiyada ay caanka ku ahaayeen Masaarida kaas oo ay ka aflaxeen dad badan oo maanta magac iyo maqaam sare ku leh mujtamaca Soomaaliyeed.