AKHRISO:- AMISOM oo tababar siisay Ciidamo ka qeyb qaata sugida Amniga doorashooyinka

0

Tababarkaan oo muddo Saddex Maalin ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shaeelle uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ayaa la soo geba-gabeeyay, iyada oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Tababarka ayaa ku saabsanaa amniga doorashada, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii ay bateen baaqyada ku saabsanin booliska si buuxda loo tababaro loona qalabeeyo si ay si habsami leh ugu maareeyaan amniga doorashooyinka dalka.

Tababarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo gacan ka helaysa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee (UNDP).

“Tani waa tababar aad muhiim u ah oo yimid waqtigii ku habboonaa” ayuu yiri Mutama Eliud oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. “Aqoonta la helay waxay muhiim u noqon doontaa fulinta waajibaadka booliiska maadaama dalku u socdo doorashooyin.”

Maxamed Yuusuf Axmed oo ka mid ah saraakiisha booliiska Hirshabeelle ee tababarka la siiyay ayaa sheegay inuu helay casharo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sida loo maareeyo amniga doorashada, tallaabooyinka xakamaynta dadka, sugidda goobaha iyo ilaalinta hufnaanta hannaanka doorashada.

“Iyada oo ay doorashooyinku hadda na saaran yihiin, farsamooyinkii iyo xirfadihii muhiimka ahaa ee aan barannay ayaa muhiim u noqon doona gudashada waajibaadkeena. Waxaa jira dhinacyo badan oo ku aaddan doorashada si wanaagsan u qabsoonta oo amniga ayaa ugu muhiimsan, ”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Doorashada xubnaha baarlamaanka ayaa horay uga bilaabatay Soomaaliya, waxaana taas xigi doonta doorashada Madaxweynaha bilaha soo socda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) iyo Booliska AMISOM ayaa waxaa loo xilsaaray sugidda amniga goobaha doorashada, sugidda agabka doorashada iyo sugidda amniga iyo gelbinta saraakiisha doorashada iyo saraakiisha la doorto intaba.