Xog- Dhex dhexaadin loo sameeyay Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble.

0

Saacadihii u dambeeyay waxaa warbaahinta qabsaday hadalkii ra’iisal wasaare Rooble ee ahaa doqoni meeshi lagu dagaalay beey ogtahee halka lagu heshiiyay ma oga, uuna ku muujinayay in xurguftii la xaliyay.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ee todobaadkan soo shaac baxay ayaa dhex dhexaadin waxaa ka sameeyay sida xogaha muujinayaan sarkaalka NISA ugu qeybsan dabagalka ee Cabdullahi Daahir, islamarkaana todobaadyadii u danbeeyay la rumeysan yahay inuu wakiilka Qatar ee siyaasadda Soomaaliya uu toos ula wareegay.

Dad badan oo siyaasadda iyo dhaqaalaha ka faalooda waxay muujinayaan in khilaafka labada mas’uul ee dalka hogaankiisa heysa uu salka ku hayay arimo ganacsiga qaadka iyo ujeedooyin siyaasadeed ku jaan go’an.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxay macluumaad ku bixiyeen in maalinti Arbacada ahayd uu Cabdullahi Dheere oo dedaal aan yareyn ku bixiyay in la qaboojiyo xiisadda sababtay kala qeybsanaanta Villa-Somalia iyo xukuumadda, xubno ka socday Maraykanka iyo Qatar ayaana kaalin kulahaa sidoo kale.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu ku soo aaday maalmo ay siyaasaddu isbaheysiyo adag yeelatay, ayna jireen tilaabooyin xil ka qaadis iyo kuwo awood sheegad loo fasiray.

Khudbadda uu ra’iisal wasaare Rooble u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa la tilmaamay in ujeedka ugu weyn uu ahaa in lagu cadeeyo dhex dhexaadinta labada dhinac laga sameeyay.

Wasiiro xukuumadda ka tirsan waxaa laga soo xigtay in culeys dhanka dowlado banaanka ah oo soo foodsaaray taliyaha dabagalka NISA ay keeneen inuu qaado tilaabo muujineysa in dhinacyadu aaney is khilaafsaneyn.

M/W Farmaajo iyo R/W Rooble ayaa kala fogaaday markii xukuumadda ay si bareer ah Kenya ula gashay heshiisyo ay dhinaca kale u arkeen kuwo duraya oo wadooyin badan ka xiraya.

Wararkii u horeeyay ee ka soo baxay heshiiska ay jid markiisa Muqdisho iyo Mombasa wafuuda ku kala tageen, waxay sheegayeen in uu ka soo shaqeeyay Korneek Cabdullahi Daahir, balse saameeyn aan ka fileyn ka timid.

Xubnaha mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood ayaa toos ula saftay Rooble, waxaana baraha bulshada qabsaday war saxaafadeedyadii labada dhinac ay isugu jawaabeen.

Kenya waxaa bilo kahor gaaray wafdi ka socday dowladda Qatar hadana inkasta oo aysan toos arintan uga hadlin waxaa xooganaa wararka ah in ay dhex dhexaadin rabeen,

Iskudayga u muuqda inuu guuleystay ee Taliyaha dabagalka NISA ku dhex dhaxaadiyay Farmaajo iyo Rooble ayaa siyaasiyiinta qaar leeyihiin suurto gal ma noqon doonto in uu sii socdo maadaama dalku ku jiro jawi doorasho oo la isku khilaafsan yahay arimo badan.