Xog ka soo baxday Qaraxyo Muqdisho loo soo waday oo laga hortagay.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah war ugu soo saartay in laga hortagay gawaari qaraxyo usoo waday Muqdisho soona rareen argagaxisada Shabaab, waxaana jira xogo dheeraad ah oo soo baxaya.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo Millatariga Soomaaliya ayaa sheegay, in amarka weerarka lagu beegsaday gawaarida uu bixiyay Korneel Cabdullahi Daahir, oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer islamarkaana NISA ugu magacaaban dabagalka.

Weerarka oo xog laga helayo waxay sheegeysaa in ay ku dhinteen xubno kamid ahaaa argagixisada Shabaab, balse ay jiraan dad shacab ah oo sidoo kale lagu laayay.

Deegaanada ay ka dhaceen weerarada Cirka ah ama duqeymaha ee Gawaarida lagu beegsaday waxaa kamid ah Jamaame, Kuunyabarow iyo kuwo kale oo labada gobol ee Shabeelada hoose iyo Jubada dhexe katirsan.

Dad shacab ah oo marayay wadada iyo mid kamid ah gawaari la beegsaday ayaa la soo wariyay in ay rayid ahaayeen, sidaasi waxaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan NISA.

Korneel Cabdullahi ayaa ku eedeysan in sadexdii sano ee la soo dhaafay duqeymo uu ka danbeeyay lagu dilay dad shacab ah,

Sarkaalka awoodda ku leh NISA ayaa dadka xogtiisa haya waxay sheegaan in uu aqoonsi ka heysto hey’adda CIA-da Maraykanka, taasi oo ku kordhisay cadaadiska iyo eedeymaha xagga weerarada ah.

Warbixino hey’adaha qaramada midoobey ay soo saareen iyo sidoo kale taliska ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa lagu cadeeyay in ay dhowrkii sano ee u danbeysay ay dhaceen duqeymo iyo weeraro kale oo shacab lagu laayay.