Taliska NISA oo soo farageliyay khilaafka gudiga doorashada Soomaaliland

0

Berri waxa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada dhexdooda ah ee gudiga doorashooyinka Soomaaliland, iyadoo khilaafka ku aadan uu cirka isku sii shareeray islamarkaana gudoomiye Cabdixaashi iyo xubnaha ku aragtida ah ay go’aano adag gaareen.

Wararka caawa la helayo waxay sheegayaan in Kulamo isdaba joog ah ay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan Villa-Soomaaliya iyo Hotel Decale,waxaana amar lagu soo saaray in dorashada gudiga beri la qabto oo aan dib loo dhigin iyadoona culeysda jira yihiin in aan xal loo helin khilaafka.

Xilli dalku uu ku jiro marxalad doorasho islamarkaana wakiilka dowladda Qatar ee Soomaaliya todobaadyadii u danbeeyay uu yahay ninka qarsoon ee taliyaha ka ah dabagalka NISA, ayaa waxaa isa soo taraya qodobada muujinaya in isbaheysi cusub ay awood ku yeesheen arimaha doorashada.

Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi dheere ku magac dheer mudooyinkii u danbeeyayna ah wakiilka dowladda Qatar ayaa xogta tilmaameysaa inuu bixiyay amarka caawa ee ah in aan doorashada gudoomiyaha gudiga doorashada Soomaaliland dib loo dhigin.

Waxaa Cabdullahi Dheere uu isbaheysi dhaw la yahay Ra’iisla wasaare Rooble oo markaan loo arko in ay hal dhinac iskula wadaan go’aanada siyaasadda iyo kuwa amniga ee doorashoyinka saameynaya.

Dadka ka agdhaw xarumaha Villa-Somalia iyo NISA waxay sheegen in madaxweyne Farmaajo uu meel cidlo ah ku soo dhacay, halka Rooble iyo Cabdullahi Dheere ay wadaan qorshe ay ku mideysanyihiin.

Waxaan la saadaalin Karin sida xaaladdu noqon karto iyadoo khilaaf dhinacyo badan ah hor gudbanyihiin doorashada Soomaaliya ee dhaaftay waqtigeedi.

Dhinaca kale waxaa Korneel Cabdullahi Dheere iyo Rooble si wadajir ah uga shaqeeyeen heshiis qarsoodi ah oo lala galay Kenya,

Heshiiska ayaa waxaa ku jira qodobo waa weyn oo dhaawacaya siyaasadda madaxweyne Farmaajo islamarkaana taabanaya dhinacyada kiiska badda iyo arimaha doorashada.

Heshiiska Kenya iyo Soomaaliya ee isbaheysiga cusub ka soo shaqeeyeen waxaa lagu wadaa in mardhaw lagu saxiixo magaalada Muqdisho iyadoo kadibna Rooble iyo Cabdullahi Dheere u safrayan Kenya.