Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inkastoo uu jiro dib u dhac yar ,hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda, ka dibna ay Madashu isugu iman doonto kulan ay uga arinsanayaan sidii horey loogu sii anbaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.
Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga Siet ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfaham la gaaro ,waqtina uu siiyay ,balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo ,guddiguna ay dhexdooda is doortaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxuu Gollaha uga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada London iyo shirkii caalamiga ee Waxbarashada ee uu ka qeyb galay iyo kulankii uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha dalka Britian Boris Johnson oo uu sheegay in miro dhal ay ahaayeen.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa Gollaha Wasiirrada warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Caronavirus ee soo laba kacleeyey, kaa soo ay u dhinteen Muqdisho kaliya ilaa 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen haween, guud ahaan dalkana laga helay cudurka 64 qof, iyadoo Wasaaraddu ku baaqday feejignaan dheeri ah.
Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa kaloo looga hadlay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka loogu geysanayo dalal dibadda ah in Wasaaradda Arimaha Dibadda ay si dhow ula socoto ,lana dabagalo.
Gollaha waxa uu gacantaag ku ansixyay sadax arimood.
* Siyaasadda Diiwaan_Galinta Madaniga iyo Istaatiitikada.
* Hishiis Iskaashi oo dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey
* Siyaasadda Fasaxa Dhismaha Soomaaliyeed