Fadeexad- Soomaaliya oo ka hartay Wadamo Diiday Qadiyad ku saabsan Ku biiritaanka Isra’el ee Midowga Afrika.

0

Soomaaliya oo marwalba kamid ahayd dalalka ugu horeeya ee ka dhiidhiya dhibaatada ay isra’el ku heyso shacabka reer Falastiin ayaa hadda dhexda ka fadhisa fadeexad ku aadan qadiyad muhiim ah.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dunida oo dhan ka taagan in Israel ay xubin kor joogto ah ka noqotay midowga Yurub, iyadoona durba dalalka Muslimiinta Afrika ku yaala ay diideen, balse Soomaaliya ayaa ka maqan!

Xogaha laga helayo sababta keentay arintan ayaa muujineysa inuu ka danbeeyo uuna ka shaqeeyay nin saameyn culus ku dhex leh hey’adaha dowladda Soomaaliya.

Midowga Afrika waxaa la leeyahay kan ugu sareeya ayaa Israel u fududeeyay, halka Soomaaliya uu diidmada ka hor istaagan yahay Cabdullahi Daahir, oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer kaasi oo ah Taliyaha dabagalka NISA, go’aanada dowladana galaangalka ugu weyn ku leh.

Go’aanka Israel ay xubinta uga heshay Midowga Afrika waxaa keligii iska qaatay madaxa Midowga Afrika, waxaana talaadadii kahor yimid 7 dal oo Carab-ta Afrikaanka ah, kuwaas oo diiday in Israël oo dhul ka héysata Carabta, gumeysatana Farlaatiin loo ogolaado xubin korjoogto ah iney ka noqoto ururka Afrikaanka ah!

Wadamada diidmada ka gudbiyey tilaabadan Awood siineysa Yahuuda waxaa ay kala yihiin Masar, Aljeeriya, Djibouti, Tunis, Mauritania iyo Comoros, waxaase shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka islaamka yaab ku noqotay in ay kiiskan ka aamustay dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira ilaa 5 dal kale oo safaaradahooda isla Adis Ababa ay sheegeen iney garab tagan yihiin go’aanka 7-badaas dal ku diideen Israel, dalalkaas waxaa ka mid ah Urdun, Qatar, Kuwait, Yemen, Falastiin oo lagu daray ergada jaamacadda carabta ee Adis!!

Inkasta oo Midowga Afrika uu arrinkan ka shiri doono October-ta soo socota hadana waxaa la yaab leh in Soomaaliya oo ah dal Carab ah, muslimna ah, aaney ku jirin dalalka diiday in Israël ay qeyb ka noqoto Midowga Afrika iyada oo arrinkaas aaney weli ka hadlin wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya!

Diplomacy-iin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo magacooda in la qariyo codsaday waxay sheegeen in ka aamusitaanka kiiskan qadiyadda ah uu gadaal ka riixayo Korneel Cabdullahi Dheere oo hogaanka NISA kamid ah,

Saameynta Cabdullahi Dheere ayaa lagu sheegay inuu saaxiibo dhaw muddo la ahaa madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, inkasta oo todobaadyadii u danbeeyay arimo siyaasadeed ay isku hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa 4-tii sano ee la soo dhaafay waxaa hareeyey siyaasad xumo xagga arrimaha dibadda ah, iyada oo aaney isku fiicneyn inta badan Khaliijka, oo Qatar la safatay, waxay ka aamustay dhowr jeer qaraar jaamacadda Carabta ah oo lagu dhaleeceeyey dhismaha Biyo-xireenka webiga Nile ee Itoobiya, waxaa sidoo kale aad u xumaa xiriirka Muqdisho la leedahay Nairobi iyo Djibouti, waxaase hadda diiwaanka usii galeysa in kiis lagu diidayo Yahuudda ay ka aamustay.