Kulan fogaan arag ah oo ay caawa wada yeesheen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kaas oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu warbixin ka siiyay Madasha halka ay mareyso xallinta kala aragti duwanaanta hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland
Goluhu waxa uu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’isul wasaaraha ee lagu dhameystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo maanta uu Raysalwasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hogaankooda.