SAWIRO:- Ra’iisul Wasaare Rooble oo baabi’iyay hoggaanka guddiga doorashada gobolada Waqooyi

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble oo kulan la qaatay xubnaha 11-ka Guddiga Doorashooyinka gobollada Waqooyi ayaa u sheegay in la baab’iyay doorashada hoggaanka guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee hore loo dhisay ,dibna ay isu dooran doonaan,sidaa awgeed goobta iyo waqtiga doorashada waxa soo cayimi doono Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo Xafiiska Raysalwasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa ugu baaqay xubnaha Guddiga inay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada is diidan, isla markaana si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiinta u tartameysa kuraasta ay doorashadooda maamulayaan.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”ayuu yiri ra’isul wasaare Rooble.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay siyaasiyiinta labada garab ee isku haya arrimaha doorashada gobolada Waqooyi ee dalka.

Hase yeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray shalay waxa uu ku taliyay in hoggaanka guddiga doorashada gobolada waqooyi loo kala qeybiyo labada garab ee siyaasiyiinta gobolada Waqooyi.