Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo magacaabay guddiga qabanayo doorashada aqalka sare

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Gobaleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta waxaa uu Magacaabey Xubnaha Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee BJFS ee Baarlamaanka.

Xubnahan oo ka kooban 12 Xildhibaan ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan uu wareegto ku soo saaro liiska xubnaha musharixiinta aqalka sare.

Halkan ka akhriso