AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Koofurta Mudug

0

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug oo qabsaday magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaanada ku dhow dhow Camaara.

Ciidamada xoogga ee howlgallada ka wada deegaanada Galmudug ayaa waxa ay ku qabteen xubno ka mid ah dagaalameyaasha Alshabaab iyo hub ay wateen meel ku dhow magaalada Camaara.

Sarkaal u hadlay ciidamada howlgalka hoggaaminaysa ayaa sheegay in shabaabkii ka dagaalameyay Koofurta Mudug ay ka carareen hubkooda, islamarkaana howlgalka lagu qabtay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hubka ay wateen.

Ciidamada dowlada ayaa dhawaan qabsaday deegaano badan oo ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.