AKHRISO:- Heshiis laga gaaray dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Gedo

0

Maamulka degmada Dooloow ee gobolka Gedo iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku guuleestay in ay heshiis dhexdhigaan laba beelood oo waayahan ku dagaalamayay duleedka degmada Dooloow, iyada oo dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 30 Ruux.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa duleedka degmada Doolow ka socday shir u dhaxeeyay Odayaasha & waxgaradka laba da beelood, six al looga gaaro colaada oo ah mid soo laab laabatay.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen dhinacyada si loo soo afjaro dagaalka labada maleeshiyo beeleed ku dhex-maray degaan ku yaal duleedka degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Shirka oo ay gobjoog ahaayeen, Maamulka degmada Doolow, Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, maamulka degaanka Bohol Garas, waxaana laga saaray qodobadaan.

1: In labada maleeshiyo beeleed la kala dhex-dhigo xabad joojin, isla markaana labada maleeshiyo beeleed la kala qaado.

2: In la dhameeyo waxyaabaha soo cel celiya colaada labada beelood meeshana laga saaro waxkasta oo khilaaf keeni kara.

3: In la sii wado wada-hadallada Nabadeed si loo soo afjaro colaada oo ah mid kusoo lab laabatay degaannada hoostaga degmada doolow ee Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn qaar kamid ah Odayaasha, waxgaradka labada Beelood & madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhaweeyay qodobada kasoo baxay shirka, waxaana Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen inay dhaqan gelin doonaan heshiiska.