AKHRISO:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Bandhiga Buugaagta Gobolka Banaadir.

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta daahfuray Bandhiga Buugaagta Banaadir oo ay soo agaasimeen aqoonyano Soomaaliyeed.

Madasha lagu daahfurayay bandhigaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta XFS, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)oo bandhigaan ka hadlay ayaa kula dardaarmay in loo istaago horumarinta waxbarashada, islamarkaana la garab istaago caruurta Soomaaliyeed ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha waxbarashada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale ku baaqay in ahmiyad gaar ah la siiyo qorista iyo ku hadalka afkeena Hooyo.