Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Maamulka KGS

0

Magaalada baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar garowga ku aaddan doorashada aqalka sare oo la filayo in saaacadaha soo aaddan ay si toos ah u billaabato.

Waarakii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Baydhaba ayaa ku warramaya in halkaasi lagu dooran doono shan kursi oo ka mid ah 10ka kursi ee laga soo dooranaya Koofur galbeed, waxaana ku tartami doona Liiska Musjarxiinta horay loo soo gudbiyay ee diyaar ka u ah in ay ka ku tartamaan kuraasta Aqalka sare ee ka imaanaya degaanada Maamulkaasi.

Amaanka guud ee Magaalada ayaa si weyn loo adkeyay, waxaana la arkayaa Ciidan farabadan oo ammaanka Sugaya, kuwaasi oo lagu daadiyay Xarunta lagu qabanayo doorashada.

Hoaray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed Sooomaaliya Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in doorashadu ay dhacayso, waxaana uu tilmaamay in dhammaan Musharaxiintu ay u diyaargaboobeen sidii ay ugu tartami lahaayeen kuraasta taalla maamulkaasi.

Maamul Goboledka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya Maamulkii labaad ee ay ka dahcdo doorashada aqalka sare,kadib Jubbaland oo horay looga soo doortay Xildhibaaanada Aqalka sare ee ka imaanaya Maamulkaasi Jubbaland, waxaana la filiyaa KGS uu noqdo maamulkii labaad ee ay ka qabsoomtay doorshada Aqalka sare.