M/weynaha Puntland oo lagu wado in uu soo saaro liiska musharixiinta Aqalka Sare.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu soo saaro liiska musharixiinta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni uu diyaariyay liiska musharixiinta utartamaysa Aqalka Sare ee ka imaanaya deeganada maamulkaasi uuna soo saari doono madaxweynaha gordhow.

Sidoo kale, baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa la filaya in ay todobaadkan magacaabaan guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare, si Baarlamanku u doorto xubnahaasi.

Baarlamanka oo maalmahan fasax ahaa ayaa sida qorshaysan Talaadada berri ah dib uga soo laaban doona fasaxa, si ay u guda-galaan doorashada Aqalka sare.