DHAGEYSO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sheegay inay ku wajahan yihin Xaradheere

0

Taliyaha ciidanka Dhulka Janaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiiradda Amniga iyo Dhalinyarada Galmudug ayaa gaaray Saldhigii ugu weynaa Alshabaab ku lahaayeen baadiyaha Qeycad.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isagoo uu garab taagan yahay wasiirka amniga Galmudug shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa wado dadaalo ay kooxda shabaab ugu xoreynayaan deegaanada Galmudug , waxaana u suura galay in ay ka saaraan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.