AKHRISO:- Militeriga Afghanistan oo qaaday weerarro

0

Weerarada ayaa qayb ka ah olole ay wadaan militeriga waddanka Afghanistan oo ay ku bartilmaameedsanayaan qolyaha Taalibaanka dalka Afghanistan,kuwaasi oo qabsaday dhowr gobol oo muhiim ah,waxaana ka mid ah goboladaasi Herat, Lashkar Gah,iyo Kandahar.

Iska horimaadyadaasi ayaa waxa ay ka dhaceen waddooyinka deegaanada ay la wareegeen Taalibaanka waxaana uu ahaa dagaal aad u qaraar oo ciidamada Afghanistan ay duqeeymo ku rideen xarumaha ay ku sugan yihiin qolyaha Taalibaanka

Boqolaal ka tirsan ciidamada Commaandooska dalka Afghanistan ayaa loo qaaday gobolada ay la waregen taalibaanka dhowaan oo ah kuwo ku yaal galbeedka wadankaasi Afghanistan.

Warbaahinta waddanka Afghanistan ayaa sheegtay in dhowr xubnood oo ka tirsan Taalibaanka lagu dilay dagaaladaasi markii ay dagaalada bilowdeen ka dib.