AKHRISO:- Dowlada Jabuuti oo si kulul uga hadashay rabshado ka dhacay caasimada

0

Dowlada Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jibuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha wada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ku dhaawacmeen inkasta oo aan ilaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas.

Sidoo kale waxaa rabshadahan lagu gubay guryo iyadoo booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ay dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryeen suntan dadka ilmada ka keenta.

Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah casaimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jibuuti.

Wuxuu sheegay in arrin halis ah ay ka dhacday Jibuuti kadib markii dadku ay gubeen Aqallo dda shacab ah ay lahaayen.

Rabshadaha ka dhacay caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa uu salka ku hayaa dagaal maalmahan ka dhacay duleedka degmada Garba-ciise ee dalka Itoobiya, kaas oo u dheexeeya Soomaalida iyo Canfarta.