AKHRISO:- Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo degaano la wareegay

0

Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay howlgallo culus weli ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay degaano horleh la wareegeen.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen degaannada ku yaal Bariga iyo koofurta tuulada Qaycad, halkaas oo dagaalo culus ay ka dhaceen.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in ay Ciidamada huwanta ah gacanta ku dhigeen Qiyaastii 20 qori, raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo ay ka tageen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weli degaannada ku yaal Bariga iyo koofurta tuulada Qaycad ka wada howlgallada oo ay hoggaaminayaan Saraakiil ay kamid yihiin Janeraal Saadaq Joon iyo Sanoter Cabdi Qeybdiid si degaannada Gobolka Mudug looga saaro Al-Shabaab.

Shalay ayaa degaannada Maanta ay Ciidamada la wareegeen waxaa ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo howlgal dhulka ah oo ay sameeyeen Ciidamada Huwanta ah, taas oo keentay inay isaga baxaan Al-Shabaab.