AKKHRISO: Maxaa kalasocota xiisada ka taagan gobalka Sool

0

Xiisadda oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa ay weli ka taagan tahay degaanka Saax Maygaag ee gobolka Sool, halkaas oo dhawaan ay ku wada dagaalameen labada maleeshiyo Beeleed.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa isku heysta dhul ku yaal degaankaas, waxaana weli dhaqan gelin amar kasoo baxay maamulka Puntland ee ahaa in labada maleeshiyo ay ka guuraan goobta lagu dagaalamay.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa mamniicay degaamaynta dhul daaqsimeedka Saax-Maygaag iyo Sanga-jebiye, si loo xakameeyo xiisadda colaadeed balse weli ay labada maleeshiyo beeleed ay isku hor-fadhiyaan.

Dagaal maalmo ka hor ka dhacay deganka Saax Maygaag ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Odayaasha Dhaqanka degaanka ay kala dhex-galeen maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmaha soo socdo la filayo in laamaha amniga Maamulka Puntland ay Ciidamo u diran degaanka lagu dagaalamay si loo kala dhex-dhigo dhinacyada ay u dhaxeyso xiisada.