AKHRISO:- Somaliland oo si kulul uga hadashay dil ka dhacay Laascanood

0

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa si kulul uga hadlay dil Magaalada laas-caanood ay Kooxo hubeysan ugu geysteen Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool Maxamed Shire Aadan (Laba-gole).

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa marka hore loogu tacsiyadeeyay ehelada iyo asxabtii uu ka geeriyooday Maxamed Shire Aadan (Laba-gole).

“ Waxaan tacsi tiiraanyo leh ka dirayaa, Rabbi ha u naxariisto’e geerida ku timid Maxamed Shire Aadan (Laba-gole) guddoomiyihii Kommishinka Doorashooyinka Qaranka ee Gobolka Sool oo gacan ka xaqdarani ay dishay., Qoyskiisa, Asxaabtiisa, shacabka Gobolka, Kommishinka Doorashooyinka heer Gobol & heer Qaran iyo Qaranka Somaliland ayaan dhammaantood aan uga tacsiyadaynayaa ayaa lagu yiri” Qraalka Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa faray farayaa laamaha ammaanka inay baaritaan & heeggan u galaan sidii loo heli caddaalladana loo horgayn lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada laas-caanood ee Gobolla Sool oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Saraakiil Ciidan iyo Odayaal, dilalkaas oo qaarkood la sheegay inay ahaayeen aanooyin qabiil oo kajira degaano hoostaga Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.