AKHRISO:- Qoor Qoor oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka Sare

0

Guddiga doorashayooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa qoraal u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) kaas oo looga codsanayo in uu Gudiga u soo gudbiyo liiska Musharixiinta.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga doorashayooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu mas’uuliyad iska saaro kasoo jawaabida codsigan.

“ Mudane Madaxweyne, iyadoo lagu guda jiro wakhtigii doorashada mas’uuliyad na tahay in aan guddano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigaan, Hadaba waxaan rajeyneena oo ku kalsoonahay in codsigeena aqbali doontid MudaneMadaxweyne ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.

Maamulka Jubbaland ayaa qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare, halka Maalinta Berito ah Maamulka Koonfur Galbeed uu qabanayo doorashada 5 kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee ka imaaneysa deegannada Koonfur galbeed.