AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay xubnaha guddiga xalinta khilaafadka Doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juballand Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubnaha guddiga xalinta khilaafadka Doorashooyinka ee heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa Guddiga ku bogaadiyay dadalkooda ku aadan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah iyo sidii ay u xalin lahaayeen tabashada kasoo noqota doorashooyinka.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafadka Doorashooyinka ee heer Federaal ayaa dhankooda ku amaanay Madaxweynaha Jubbaland sidii wanaagsaneyd ee uu u bilaabay doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo degaan doorashadoodu tahay Jubbaland, iyaga oo ka codsaday in inta kale ee hartay la qabto.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafadka Doorashooyinka ee heer Federaal oo badankood ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hosoe ayaa saacadaha soo socda waxaa ay tegi doonaan magalada Baydhabo su ay goobjoog uga noqdaan doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo Beri ka bilabaneysa Magalada Baydhabo.