AKHRISO:- Galmudug oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay weli ka wadaan degano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkii Maanta ee duleedka degaanka Qaycad ay ku qabteen Sarkaal Al-Shabaab u qabilsanaa miinooyinka, isaga oo doonayay in uu miino ku aaso wadada.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in saaka howlgal ka dhacay Saldhiga Al-Shabaab ee la duqeeyay ay ku qabteen laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay baxsadaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada u dhaxeeya magaalooyinka Bacadweyne iyo Camaara oay Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug howlgal halkaasi ka wadaan, isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas dhaceysa.