AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeyn ka dhacday gobalka Mudug

0

Duqeyntan ayaa waxaa ay Maanta barqadii ka dhacay degaan ku yaal duleedka degaanka Qaycad una dhaxeeya magaalooyinka Bacadweyne iyo Camaara oo u dhow magaalada Wisil ee GobolkMudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay Goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana lagu taageerayay Ciidanka DANAB iyo kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada Aagaaa.

Sidoo kale Xuluumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyntaas ay aheyd mid lagu wiiqayay awooda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta Gobolka Mudug, sidoo kalena duqeyntaas aysan wax ku noqon dad rayid ah.

” Waxaa sii kordhaya dagaalyahannada Al-Shabaab oo ka tagaya ururka Al-Shabaab kadib markii ay ka adkaadeen Ciidanka Danab , waxayna u goosanayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya halkaas oo lagu soo dhoweeyey si sharaf lehna loola dhaqmay ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay gudaha u galeen degaanka la duqeeyay, halkaas oo ay weli ka wadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.