AKHRISO:- Diiwaangelinta Musharaxiinta Aqalka Sare oo maanta ka bilaabanaysa Baydhabo

0

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa maanta ka bilaabanaysa magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada ayaa waxaa loo gudbiyay toban musharax oo afar ka mid ah ay yihiin haween oo ah musharaxiinta shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee ka imanaysa Koofurgalbeed.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in maalinta Isniinta oo ku beegan 2da bisha Augost la qabanayo qeybta u horeysa ee doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Xubnaha ku tartamaya aqalka Sare ee maanta la filayo in lagu diiwaangeliyo Magaalada Baydhabo kuna tartamaya 5 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Aadan Cabdinasir Maxamed
Maxamed Xasan Aadan
2: Dr. Xuseern Maxamed Daahir
Xasan Maxamed Nuur
3: Zamzam Ibrahim Cali
Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim
4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur
Nuur Baabul Cadow
5: Ayaan Aadan Cabdulaahi
Farxiyo Nuur Aadan