Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Magaalada Garoowe

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiir Duraan Faarax oo safarkiisa ku wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Puntland.

Ujeedka wafdiga dowladda ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda xuska sannad-guurada 23-aad ee aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoona xusay inuu ka qeyb geli doono Munaasabadda sannad-guurrada 23-aad ee dhaceysa.

“Puntland oo lagu dhisay wada-tashi iyo is-afgarad Bulsho , waxay Bulshada Soomaaliyeed u noqotay hoy nabadeed, oo markii dambe fure u noqotay dib u dhiska Dawladnimada Soomaaliya. Waxaan u mahadcelin mas’uuliyiinta iyo qeybaha kale ee maanta na soo dhaweeyay” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa maalinta berri ka dhaceysa Munaasabadda sannad-guurada aas-aaskii Maamulka Puntland ee 1-da Agoosto, isla markaana waxaa socda diyaar garoow ku aadan Munaasabadda dhaceysa.