Badmaxiin lagu dilay weerar lagu qaaday Markab Shidaal.

0

2 shaqaale ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday Markab nooca Shidaalka qaada oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Cummaan.

Hadal ka soo baxay Shirkadda leh Markabkaasi ayaa lagu sheegay in Nin u dhashay UK, mid ka soo jeeda dalka Romania lagu dilay Weerarkaasi.

Markabka la weeraray oo lagu magacaabo  Merker Street  oo ay leedahay Shirkad Israeli ah ayaa ku sii jeeday Dekeddaa magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Israel,Yair Lapidwaxa uu ku eedeeyey dowladda Iran inay ka dambeesay weerarkaasi, loona baahan yahay in laga fal-celiyo weerarkaas.

Sarkaal ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Daroon loo adeegsaday Weerarkaasi.