Kenya oo ka hadashay ka bixitaanka ciidamadeeda ee ku sugan Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay ka bixitaanka soomaaliya ciidamadooda ka tirsan midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka Kenya  Gen Robert Kibochi  ayaa sheegay in ciidamadooda kenya ka tirsan howlgalka AMISOM aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ka sheegay Taliyaha mar uu wareysi gaar ah siiyay Telefishin laga leeyahay Kenya oo lagu magacaabo KBC, Isagoo sheegay in Soomaaliya ay xasilooni-darro ka jirto, sidaas darteedna ciidamada Kenya aysan ka bixin doonin.

Gen. Robert Kibochi ayaa sidookale tilmaamay in ciidamada Kenya ay sii caawin doonaan kuwa Soomaaliya, inta  laga xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Taliye Kibochi ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya aysan weli hanan karin amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan ka maarmi karin taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada dalka Kenya ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya sanadkii 2011 iyagoo qayb ka ah howlgalka midowga afrika ee Amisom, waxaana jirtay dowladda Kenya ay dhowr jeer oo hore ay sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ciidamadeeda ay kala baxdo soomaaliya.