Doorashada aqalka Sare BFS oo maanta ka bilaabanaysa Kismaayo

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabada doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada.

Xubnaha maanta tartamaya ayaa shalay qaatay shahaadada musharaxnimo, waxaa ayna kala yihiin xubnahaasi:-

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Axmed Maxamed Jaamac

2: Xalimo Jaamac Maxamed

Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3: Ilyaas Badal Gaboose

Maxamed Axmed Sayid

Sharmake Maxamed Cabdi

4: Ibrahim Yacquub Ismaacil

Iftin Xasan Iimaan.

Musharixiintan ayaa maanta khudbaddo ka horjeedin doono mudaneyaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Tan ayaa ka dhigan in Jubbaland ay noqotay Dawlad Goboleedkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u bilaabay hawlaha Doorashada.