Maxaad ka taqaan taariikhda taliyaha cusub ee NISA loo magacaabayo?

0

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sanado kadib isbedel weyn lagu sameynayaa, waana waqti adag oo eedo badan hey’adda dul hoganeyso, laguna jiro xilli doorasho.

Xukuumadda uu leyliyo Rooble ayaa hogaamineysa doorashada iyo guud ahaan siyaasadda dalka, maadaama muddo xileedkii Farmaajo uu dhamaaday dalkana uu galay khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Hoggaanka nabad sugidda Soomaaliya ayaa shaqsiyaadka loo dhiibo laga qiimeeyaa dhinacyo badan oo isugu biyo shubanaya taariikh nololeedkooda.

Sida ay muujinayaal xogaha soo baxay labadii maalin ee la soo dhaafay lagana arkay inta badan warbaahinta, waxaa taliyaha cusub ee NISA lagu wadaa inuu Rooble u magacaabo Korneel Cabdullahi Dheere oo hogaanka dabagalka hey’addan ku magacaawnaa, kaasi oo ay wadato islamarkaana soo jeedisay dowladda Qatar.

Magaciisa waa Cabdullahi Daahir, oo ku magac dheer Cabdullahi Dheere iyo Ugaaska Soomaaliyeed,waa 35-sano jir ku dhashay magaalada Jigjiga ee Soomaali Galbeed, gugii 1986,

Dadka yaqaana waxay tilmaameen in Cabdullahi uu isagoo yar kamid ah dhalinyaradii dhaq dhaqaaqa Al-itixaad, halkaasi oo uu ka soo bilaabay halganka wadada uu maanta hayo.

Soomaaliya oo siyaasadda iyo amnigaba saameeyn ku leeyihiin nidaamka 4.5 ee beelaha ayaa markaan Cabdullahi ka eegno waxaa uu ku heyb yahay oo adeer ugu beegan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, halka ay reer abti u yihiin waqooyi ama dadka ku dhaqan Soomaaliland.

Inkasta oo dadka intiisa badan aqoon u lahayn Korneel Cabdullahi, haddana waa sarkaal sirdoonka Soomaaliya ka soo mid ahaa 6-dii sano ee la soo dhaafay illaa sanadkii 2015, waxaana uu qeyb ka yahay xubnaha fara ku tiriska ah ee aad isu qariya, lagana heynin sawiro badan iskabadaa muuqaal.

Cabdullahi Daahir saraakiisha iyo askarta NISA inta la shaqeysay ee mas’uuliyiinta dowladda waxaa laga soo xigtay in dabci ahaan uu yahay nin kaftan badan, aadna u gacan furan, waana sababta la rumeysan yahay inuu waayahan u hayay waaxda ugu shaqada badan nabad sugidda Soomaaliya ee dabagalka ah.

Sadexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa la sheegay in uu aad ula dagaalamay Al-shabaab, balse waxaa uu wajahayaan eedeymaha duqeymo badan oo shacan lagu laayay, waliba dad gaaraya 300 oo qof.

Sidoo kale inuu Cabdullahi yahay nin ad adag, ma naxe ah, aad u fekera, islamarkaana go’aan adag ayaa qeyb ka ah dabeecadihiisa shaqada.

Dhanka arimaha xiriirkiisa caalamiga ah waxaa la rumeysan yahay inuu yahay nin leh galaangal badan, la shaqeeyay CIA-da Maraykanka, islamarkaana dhalasho ka hesyta dalal ay Qatar kamid tahay.

Marka ay soo baxdo magacaabista xogteeda la helay ee Ra’iisal wasaare Rooble uu NiSA ugu dhiibayo Cabdullahi Dheere, ayay wax badan iska bedeli doonaan mowjadihii siyaasadda Soomaaliya ee sanadihii danbe, isagoo durba xulufo cusub lagu waramayo inuu sameystay, qeybna ka ahaa dagaalka lagu saaray Kulane Jiis, laguna dhabar jebiyay Fahad iyo Farmaajo.