Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Gaaray Caasimadda Ingiriiska Ee London

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Maxamed Xuseen Rooble inta uu joogo Ingiriiska ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London.

Waa Safarkii ugu horreeyay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ku tegay dalka Ingiriiska tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.