Dowladda Qatar oo R/W Rooble usoo gudbisay magaca taliyaha cusub ee NISA.

0

Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii adkaanaya, dagaal ayaa meelaha qaar laga cabsi qabaa, hey’adaha dowladana waxaa toos looga dareemayaa faragelinta dowladahi looga bartay.

Dowladda Qatar ee lawada ogyahay in ay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda Soomaaliya si gaar ah afartii sanee u danbeysay, ayaa markan soo fara gelisay khilaafka gaaray taliska hey’adda NISA ee arimaha doorashada ka dhashay.

Xubno sare oo kamid ah xukuumadda Qatar ayaa xiriir toos ah saacidihii u danbeeyay la soo sameeyay Ra’iisal wasaare Rooble, iyagoo kala hadlay xaaladihii ugu danbeeyay,sida ay ku xogwarameen ilo wargal loo qaateen ah.

Waxaa xogtu sheegeysaa in si aan ganbasho
Lahayn ay dowladda Qatar, Rooble ugu wareejisay dalabkeeda ku aadan magacaabista taliyaha cusub ee NISA, kaasi oo ay la rabaan una soo sharaxeen Korneel Cabdullahi Daahir, oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer waayahana ku magacaawnaa taliyaha dabagalka ee NISA,

Korneelkan ay dowladda Qatar la dooneyso jagada ugu sareysa nabad sugidda Soomaaliya, ee Cabdullahi Dheere ayaa todobaadyadii u danbeeyay aad ula dagaalsanaa madaxweyne Farmaajo
Iyo taliye Fahad, iyadoo khilaafku la xiriiro xiisadda Jubbaland ee Gedo.

Tani waxay ka dhigantahay in wakiilka Qatar ee siyaasadda Soomaaliya laga wareejiyay Fahad Yaasiin, uuna la wareegay Cabdullahi Dheere.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Korneel Cabdulahi ku daray wafdiga u raacay London, iyadoo laga war dhowrayo magacaabista uu ku soo baxayo taliyaha cusub.

Cabdullahi Dheere ayaa maalmihii danbe saaxiib dhaw iyo isbaheysi gaar ah la ahaa Rooble, isagoo lagu sheegay inuu ra’iisal wasaaraha ku qanciyay xil ka qaadistii hadal heynta badan keentay ee Kulane Jiis lagu sameeyay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan, in London kadib iyo magacaabista taliyaha cusub ee NISA uu Rooble casuumaad heer sare ah ku tagi doono magaalada Dooxa ee xarunta Qatar.

Qatar ayaa la leeyahay waxay dano siyaasadeed ka dhex aragtay in ay bedesho wakiilkeedii arimaha Soomaaliya, islamarkaana ay xaalad kale ku wajahdo dhinacyo ay ugu horeeyaan maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Korneel Cabdullahi oo ku heyb ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale heysta dhalashada Qatar, waxaa kale oo la wariyaa inuu kamid yahay xubnaha Soomaaliya ujooga CIA-da Maraykanka.