Xildhibaannada baarlamanka Maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya fadhiga 16-aad ee Kal-fadhigooda 48aad, kadib markii ay ka soo laabteen fasaxii Ciidda Carrafo.
Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan lagu magacaabaya guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare.
Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda soo socota oo taariikhda ay ku beegan tahay 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.