SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomay Nuqulka Warbixinta Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhaqan geliyo dhammaan qodobbada ay soo saareen Guddigu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qodob qodob u dil istaagay nuxurka warbixinta oo xal u ah caqabadaha amni, siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee Gobolka, waxa uuna faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

“Waxaa isoo gaartay marar kala duwan cabashooyin la xiriira muwaadiniin looga xannibay socdaalkooda sababo siyaasadeed taas oo ah arrin aan la qaadan Karin, sidaas awgeed waxaan farayaa Hay’adda Socdaalka in aysan mar kale soo laaban arrimahaas, ciddii ku kacdana waxa ay mudan tahay xisaab.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiya nololeed ee ka jira Gobolka Gedo, kuwaas oo ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta ee dhawaan kormeeray Gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo sida howlkarnimada ah ee ay uga soo dhalaaleen masuuliyaddii loo xilsaaray, waxa uuna sheegay in uu u gudbin doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Xubanaha Maamulka Degmada Garbahaarreey si uu ugu soo saaro Wareegto.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomay Nuqulka Warbixinta Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo