Midowga Musharixiinta Oo Digiin Kasoo Saaray Caqabadaha Haysta Doorashada

0

Golaha midowga musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir ay isugu yimaadeenw axaa ay kasoo saareen War-saxaafadeed ay ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladaha cakiran ee ka taagan doorashooyinka.

War-saxaafadeedka oo ka koban dhowr qodob ayaa waxaa ay dhammaan quseeyaan arrimaha doorashooyinka, waxaana sidoo kale uu goluhu walac xooggan ka muujiyay sida wax uu socdaan, xili ay eed kulul u jeediyeen dolwaddu sida ay wax kuw addo iyo khilaafaadka taagan.

Golaha midowga musharrixiinta waxaa ay sheegen in aysan muuqan ifi-faalo muujinaya in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo, waxaana ay u sababeyeen khilaafaadka ka taagan doorshada, gaar ah arrimaha Guddiyada is barbar socda ee Gobolada Wqooyi, kuwaasi oo uu muran xooggani ka jiro oo ku aadan soo xulidda xoldhibaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale Golaha midowga musharrixiinta waxaa ay walaac xooggan ka muujiyeen arrimaha ka tagan gobolka Gedo iyo Gobolka Hiiraan.