Doorashada Soomaaliya oo Khilaaf horleh lugaha la gashay.

0

Xilli ay maalmo aad u kooban naga xigaan waqtiga loo asteeyay qabashada doorashada xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guda galka diyaarinta ergooyinka xildhibaanada golaha shacabka dooranaya ayaa waxaa soo baxay Khilaaf kale oo la leeyahay weey adag tahay in si fudud looga gudbo.

Khilaafkaan doorashada saameynaya waxaa uu u dhaxeeyaa Farmaajo oo dhan ah iyo sadex isbaheysi oo iyaguna dhinac ah.

Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday bishii February ayaa wali lagu eedeynayaa inuu ku taagan yahay doorashada, xitaa isagoo arinta Gedo ku waayay mid kamid ah garbihii uu ku taagnaa.

Korneelka NISA ugu magacaab Taliyaha dabagalka Cabdullahi Daahir, oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer ayaa si weyn uga horyimid qorshaha Farmaajo ee kuraasta gobolka Gedo, isagoona hadda ka horkeenay quwado dibadda ah oo CIA-da Maraykanka ugu horeyso.

Xog hoose oo laga helay shir maalmo kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhexmaray Maxamed Farmaajo iyo Saraakiil ka soctay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa la tilmaamayaa in odayga lagu diiday in doorashadaan daahday lagu qabto min laba magaalo, taasi oo ka dhigan in laga fujinayo gobolkii Gedo ee uu waayahan ku dhegnaa.

Khilaafka Farmaajo kala dhaxeeya Taliye Cabdulahi Dheere waxaa arinta miisaan culus usii yeelaya marka ka fiiriyo Taageerada Korneel Cabdalla uu ka heysto Ra’iisal wasaare Rooble oo isaguna ku soo biiray qorshaha la doonayo in min hal magaalo maamul goboleedkasta doorashada lagu soo koobo, waxaana sadex ku noqday Maraykanka oo iyaguna dareensan xaaladda jirta in aysan Gedo doorasho ka dhici karin.

Jahwareer iyo xaalad cusub oo khilaafkaan abuuray ayaa laga dareemaya Villa-Somalia, waxaana ka walaacsan wakiilada beesha caalamka oo wali aan bixin qarashkii doorashada.

Taliyaha Dabagalka Korneel Cabdullahi Dheere oo ku heyb ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa Farmaajo ku riixaya in doorashada hal deegaan laga dhigo ama maamulka kuraasta taala Gedo loo madaxbaneeyo maamulka xaqa u leh ee Jubbaland.

Waxaa khilaafkan sii kiciyay midowga musharaxiinta oo shir ay deg deg u yeesheen ku shaaciyay, in caqabado waa weyn oo Gedo iyo Hiiraan kamid yihiin hortaagan yihiin doorashada, iyagoo Rooble ugu baaqay in deg deg uu xal ugu raadiyo.

Sidoo kale waxaa muraayad kale oo khilaafka laga fiirsan karo ah, sida ay ku socto howsha adag ee hortaala gudiga heerka wasiir ee maamul goboleedyada ee xalinta muranka doorashada kuraasta Jubbaland ee Gedo.