Meydad Laga Helay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Baladweyne

0

Meydadka laba wiil oo walaalo ahaa ayaa waxaa xalay laga helay xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka helayno.

Labadaan Wiil ayaa laga helay Webiga Shabeelle ee Buunda-weyn, kuwaasi oo shalay lagu waayay biyaha Webiga, xili au ku dabaalanayeen, isla markaana baadi goob dheer kadib la helay iyaga oo Meyd ah.

Labada Wiil ee geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadow, iyo Feysal Nuur Cadow, waxaana biyaha Webiga ka qaadeen labadooda Kiliga Waraaballe ee xaafadda howlwadaag ee Baladweyne.

Si kastaba Webiga Shabeelle ayaa waxaa horey sidaan oo kale ugu geeriyooday dhalinyaro dhowr ah oo ku dabaalanayay biyaha Webiga ee Baladweyne, hayeeshee markii dambe uu qaaday, kadibna la helay iyaga oo Meydad ah.