Guddiga Doorashada Heer Federaal Oo La Kulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ayaa kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka dalka ee la filayo inay maalmaha soo socda bilowdan.

Kulanka Guddiyada ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga.

Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda.

Gddiga amniga doorashooyinka ayaa isugu jira Taliyeyaasha Booliska heer Fedaraal iyo heer dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM, kuwaasi oo horey kulan ula qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.