Puntland oo sheegtay inay howlgalo ku dishey rag ka tirsan Daacish

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen ciidamadooda deegaano ka tirsan gobolka Bari inay ku dileen xubno katirsan daacish u qaabilsanaa miinooyinka iyo duubista muuqaalada.

Sarkaalka u hadlay ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanka balidhihin ee gobolkaas maalmhii danbena ay ka socdeen howlgalo buuraha deeganakas looga saarayo dagaalamayaasha daacish iyo al-shabaab oo halkaas ku xoggan.
“Waxaan dilney labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay Maamulka Puntland.


Sarkaalka ayaa sheegay in xilliga la dilayey labadan nin ay miino ku aasayeen meel wado ah oo ay ciidamada adeegsadaan mid ka kalana uu duubayey muuqaalo sida waxyaalaha qaraxa loo aaso.

Puntland ayaa bilihii la soo dhaafnay waxa ay howlgalo ka waday buuraha ay fariisimada ku leeyihiin dagaalamayasha Daacish.