Maskaxdii ka dambeysay dilka Madaxweynihii Haiti oo la shaaciyay

0

Taliyaha booliska Haiti ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.

Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo.

Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise.

Hase yeeshee maalmo ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha.

Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila.

Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti.