Shiikh Shariif iyo wakiilka gaarka ah ee Norway oo ka wada hadlay doorashooyinka dalka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Dib-ugeshiisiinta Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa waxa uu uga mahad celiyay dowladda Norway dadaalka iyo taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo sida ay usoo dhaweeyeen kumannaan Soomaali ah oo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ka qaxay.

Sidoo waxa ay diira saareen sidii ay dowladda Norway ay kaalin weyn uga qaadan lahayd arrimaha amniga iyo doorashooyinka la filaayo iney dalka ka dhacaan bilaha soo socda maadama xiligan uu dalku isku diyaarinaayo doorasho.

Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu kulamo kala duwan ka wadaa magaalada Muqdisho isaga oo maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.