Saxafi U Dhashay Netherland Oo U Geeriyooday Dhaawac Soo Gaaray

0

Peter Rudolf de Vries oo ahaa Saxafi ku xeel-dheeraa Baaritaanadda Dembiyadda ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Toogasho bishan 6-dii loogu geystay Caasimadda dalkaasi ee Amesterdam.

Saxafiga oo 64-jir ahaa waxa uu baari jirey Dembiyada loo caal waayo, isagoo taageeri jirey Qoysaska Dhibanayaasha ee Dembiyadda aan weli la xalinin.

Waxa uu baaritaano ku sameeyey Faylasha in ka badan 500 oo Kiisaska dilalka,

Saxafigaasi u geeriyooday dhaawacyada waxa uu shaqada Warbaahinta ka bilaabay Wargeyska De Telegraaf oo ah Wargeyska Maalinlaha ee ugu weyn dalka Netherlands.

Peter Rudolf de Vries waxaa la toogtay bishan July 6-dii, xilli uu ka soo baxayey Dhismaha Telefishinka RTL Boulevard, waxaana laga toogtay Madaxa.