Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Markale Ay Qaadayaan Dagaal Ka Dhan Ah TPLF

0

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marki ugu horreysay ka hadlay magaalooyinka Alamata iyo Koram ee ay dib u qabsadeen xoogagga TPLF, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso wax kasta oo suuragal ah.

Bayaan ka soo baxay Dowlad Deegaanka Amxaarada waxaa lagu sheegay Ciidamada TPLF ee qabsaday magaaloyinka Alamata iyo Koram ay u ruqaansadeen dhinaca Walqayt-Tagade iyo Satiit-Humera si ay u qabasadaan.

Ra’isal Wasaare Abiy Axmed oo bartiisa bulshada uu maanta oo Arbaca ah qoraal soo dhigay wuxuu ku sheegay, in inkastoo ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah oo ay uga gol leedahay in shacabka Tigraay la gaarsiiyo gargaar bani aadaminmo, xilli beereedkanna ay ka faa’ideystaan, haddana xoogagga TPLF dagaalka wey joojin waayeen.

Wuxuu tilmaamay in marka “dowladda ay sameyneyso waxkasta oo suuragal ah iyo sida ku habbon”.