Puntland oo ka hadashay howlgalo ka dhacay buuralayda gobolka Bari

0

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamada Galan ayaa Faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay ciidamada dowlad goboleedka Puntland ka sameeyeen Buuralayda gobolka Bari oo maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen deegaanada maamulkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaas ay ahaayeen qorshe ay dajiyeen saraakiisha dowlad goboleedka Puntland islamarkaana loogu talagalay in meelaha ay Puntland ka joogaan AL-shabaab iyo daacish laga saaro.

Waxaana uu tilamaamay in ciidamada ay wali wadan howlgalada lagu sugaayo amniga gaar ahaan deegaanada maamulkaas, isaga oo shaaca ka qaaaday in howlgalada ay ciidamada ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay bilowdeen 6dii bishii 6aad ee sanadkan islamarkaana ay dhowr tuulo oo ka ag-dhow magaalada Boosaaso ay ciidamada ka saareen xubno ka tirsan AL-shabaab iyo daacish.

Waxaana uu sheegay wasiirka amniga in howlgaladaas ay ciidamada amniga kusoo burburiyeen goobo fadhiisin u ahaa AL-shabaab iyo daacish islamarkaana ay khasaaro kale gaarsiiyeen sida uu hadalkiisa u dhigay.

Ciidamada ayaana sidoo kale waxa ay gacanta kusoo dhigeen saanad iyo waxyaabaha laga sameeyo walxa qarxa kuwaas oo laga soo qabtay goobihii ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada amniga.

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay howlgalo ka waday qaar kamid ah deegaanada Puntland kuwaas oo lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan AL-shabaab iyo daacishta ka dagaalama Soomaaliya.