Madaxweynaha K/Afrika Oo Ku Goodiyey In Awood Loo Adeegsan Doono Rabshadaha Ka Socda Dalkaasi

0

Madaxweynaha dalkaasi, Sayril Ramafoosa ayaa sheegay inuu amri doono ciiddamo dheeraad ah oo la dhigo Waddooyinka, si wax looga qabto boobka iyo rabshadaha hareeyey qeybo ka mid ah dalkaasi.

Madxweynaha waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Kulan uu xalay la yeeshy Xisbiyadda Siyaasadda, oo looga xaajooday qaababka wax looga qaban karo Boobka iyo Qalalaasaha curyaamiyey Ammaanka iyo Ganacsigii dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Ramafoosasoo dhaweeyey Codsiyada ay Xisbiyadda Siyaasadda soo bandhigeen iyo in la ballaariyo Milliteriga loo dirayo Deegaanadda ay ka socdaan Rabshadaha iyo Boobka baahsan.

Ciiddamo horey loo diray ayaa weli la hardamaya boobka iyo rabshadaha ka dhashay Xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma.

Qaar ka mid ah Muwaadiniinta dalkaasi ayaa hubka u qaatay, si ay Hantidooda iyo Ganacsigooda uga badbaadiyaan Kooxaha Biliqo-doonka ah.

Qaar ka mid ah dadka Maalqabeenada ee ku nool magaalladda Darban waxay kireysteen Diyaarado Yaryar iyo Helikoptar si ay uga firxadaan Boobka iyo Rabshadaha ku sii baahay dalkaasi

Mar sii horeysay, Dhowr Dukaan oo ku yaalla Degmadda Hamarsadale ee Gobalka KuwaZulu Natal ayaa la boobay, iyadoo dab la qabadsiiyey Dhismooyin kle oo Bakhaaro ahaa.

Wershadii ugu weyn ee Sifeynta Shidaalka ee SAPREF, kuna taalla magaalladda Darban ayaa si Ku-meel-gaar ah loo xiray, sida laga soo xigtay Sarkaal u hadlay Wershdaasi.

Rabshadaha iyo Boobka ka socda dalkaasi waxay curyaamiyeen Isbitaaladii la halgamayey Mowjadda sddexaad ee Cuddurka Laayaanka ee COVID 19.

Dhinaca kale, Boqor Dhaqameedka Qowmiyadda Zulluga ee ugu ballaaran dalkaasi ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha, kadib, 6 maalmood oo ay dhimasho dhacday, lana naafeeyey Dhaqaalihii dalkaasi.

Boqor Misuzulu Zulu oo ka hadlay Telefishinka dalkaasi waxa uu ku baaqay Nabad, isagoo xusay in Boobka iyo Rabshadaha ay ceeb weyn ku tahay dhamaan Qowmiyadda iyo dadka Reer Koonfur Afrika.